KUFSI, CUDUR-DAAR MA LEH
Waxay ka dhalatay qoys sabool ah aabbaheedna gu’ ka dib
dhalashadeeda ayuu Taayfood u dhintay, hooyadeed waxa ay ka ganacsataa dhuxusha
iyo cajiinka, waxaana ka yar 8 caruur ah da’deedu waa 12 jir waqtigu
haraatiyey. Waa qaan-gaar wax ay dheefsato weyday. Muuqaalkeeda sarre 6 jir
baad moodaa!.
Waa inan.... alle qurux u dhameeyey balse hilib iyo
haragtoona ma leh. Dhafoorkaa godan, beerkaa cagaaran, oo macluul darted bay
jilbuhu la dheer yihiin!.
Waa inan... dhibka iyo waxyeelladuba way u nugushahay balse
cidna ma tuugsato, sina gacanta uma hoorsato meelahay mi dhaaftaa marna
hooyadeed bay cajiinka makiinada uga soo qaadaa.
Waxaase la yaab iyo anfariir noqotay markii uu mid doobabka
xaafada ka mid ah haweystay in badana jaanis ku gaadayey. Galab casir liiq ah
baa iyadoo makiinada cajiinka ka soo rawaxday ayuu luuq isugu laabay korna ka
bidhaasaday markay dabinkii ugu dhacday buu lugaha isugu dhuftay, maradana
dhinaca kale uga rogay kufsina u raacshay. Halkii bay ka luuday oo hooygii ay
xaafada ka daganaayeen afka saartay, waxay kuftaa dhacdaba waxay timi
aqalkoodii, wixii ku dhacay bay hooyadeed u sheegtay la yaab iyo af kala qaad
bay ku noqotay oo rafaadkii saboolnimada waxaa u sii dheeraaday xanuunka
kufsiga.
Waxaa intaa ka darnaaday kolkii inanta hooyadeed orad
is-xaabisay guriga inanka gabadheeda kufsaday dalaq tidhi deedna markii ay
aragtay inanka aabbihiisa halkiiba ku suuxday. Islaamihii deriska ayaa
gaari-gacan soo saaray gurigeediina haleel u keenay. Marka ay soo naaxday ayaa
inanteedii uga warantay labada dhib ee isu biidhsaday ugana sheekeysay waxa
inanka aabbihii iyo iyada dhex maray waxay tidhi, “Inantaydaay waxaan ahaa
hadda ka hor booyaaso u dhaxda reeraha ay u shaqayso, inta badana aan
reeraheeda booqan, waayo aa!, reerkayagu waxa uu ahaa reer miyi oo taagteydu ma
gaareyn iyana magac magaallo uun bay maqleenoo maba yaqaanaan halka aan joogo
waxaanse la noolaa eedadeyda oo cuqdad iyo xaasidnimo laabta la huraysa, waba
yaanan warka kugu dheereyn inanteydiyeey!.. ka hor aabbahaa guurkiisa waxaa
dhacday in habeen habeenada ka mid h uu ii soo guureeyo inan ay dhaleen reerka
aan u shaqaynayay isla markaana kufsi igula kaco isaga iyo afar kale oo
saaxiibadii ahaa. Markaan uuraystayna ay iigu goodin jireen in ay dhibaato ii
geysan doonnaan haddii aan afka kala qaado, kolkii ay dhammaatay mudadii aan
uurka sidayna yidhaahdeen ina dhaaf oo halkaan noo dhig cunugayaga!”.
Waxaan is-baranay aabbahaa, waxaana ugu war sheekooday in aan
ahay garoob cunugaygiina iga dilmay, waxaa sidaa isu seegnay cunugaygii,
inantaydaay!!... waxaan ka baqayaa in uu noqdo inanka ku kufsaday inankaygii
ama walaalkaa!.
Muddo yar ka dib waxaa la waayey inantii yareyd oo waa ay is dal-dashay!!.
Muddo yar ka dib waxaa la waayey inantii yareyd oo waa ay is dal-dashay!!.
Waxaa Qoray: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com