F A A LKA
Faalka iyo Maryannadu waa tabo loola jeedo in lagu ogaado waxyaalo aan la hubin. Faalku waa tiro lagu tiriyo tusbaxa iyo quruuruxa. Waxa kaloo jira xarriiqyo dhulka lagu xarriiqo. Maryannadu waa kuusha haweenka oo la weedhaamiyo.
Waxaa la arkaa in qof cudur faalkiisa la waayey ku dhaco. Waxaa markaa loo doonaa qof u faaliya ama habar u maryanaysa. Inta badan faalka iyo maryannaduba waxay sheegaan wax qof buka u roon. Waxay sidaas ku noqotay faalka iyo maryannadu qofka yaqaan waa ku xoogsadaa. Kolkaa haddii uu sheego waxa qofka buka ka nixiya, wuxuu ka baqayaa in aan waxba la siin.
Badanaa kuwa faaliya dadka wax u keensada been bay ku maquurshaan kuna maaweeliyaan. Waxaa suurtowda qofku in uu la buko cudur fudud oo qalis u baahan, sida Kolanta caloosha ku taal. Kolantu waxay ku siman tahay in qofka buka la jeexooo laga gooyo oo uu durba bogsado. Waxaa suurtowda jn faalkiisu yiraahdo, qofka waxa u daawo ah orgi cad afarta qoob ka madoo yihiin, inta fiidka loo qalo dhiigga iyo uuska ha la mariyo qofka. Waxaa la arkaa in orgigii la helo oo dhiigga iyo uuska la mariyo, isla kolkaas, waxaa suurtowda in qofka kolantii ku dillaacdo naftuba ka baxdo.
Haddii faaliyihii la weydiiyo waxa dhiigga iyo uuskii u daaweyn waayeen, waxaa suurtowda in uu yidhaahdo qofkii gawracay origaga ayaan ahaa qof xun.
Bal haddaba, haddaynu u fiirsano arrintaas, maxaa iskaga jira bugtada Kolanta iyo orgiga cad ee afarta qoob ka madow iyo xumaanta ama samaanta qofka qalay. Qiilkaa aan meel-marka ahayn ayaa kuu caddeynaya in faalka iyo maryannadu midna aanay habboonayn in qofka wax garadka ahi uu isku halleeyo.
Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).