HOOYO, WAA LAMA HURAAN.
Wuxuu yiri, "Hooyadey waxay leedahay hal IL. Waan necbahay.. waan isceebsadaa markaan arko, waxay cuntada u karisaa ardayda iyo macallimiinta si ay qoyska u caawiso..
Maalin anigoo Iskuulka jooga ayaa hooyadey salaan iigu timid, aad ayaan u yaxyaxay, sidee ayey iigu imaan kartaa, waan inkiray waxaana u eegay si nacayb leh waana ka tagey.
Maalintaas maalintii xigtay mid ka mid ah ardayda aan isku Iskuulka nahay ayaa igu yiri” Illeen hooyadaa Hal IL ayey leedahay, waxaan damcay inaan nolosha isku aaso waxaana jecleystay inaan hooyadey isweynno.
Hooyadey ayaan u tagey waxaana ku iri” Haddii aad dooneysay in la igu qoslo dartaa waxay ahayd inaad iska dhimato” Hooyadey iima jawaabin… anigana aad ayaan u xanaaqsanaa wax kastana waan iri, waan dhibsaday waxaana doonayey inaan isaga tago guriga oo aan wax xiriir ah hooyo na dhexmarin.
Aad ayaan waxbarashada ugu dadaalay waxaana helay fursad aan dibadda ku aado si aan waxbarashada u sii wato kaddib waan guursaday, waxaan iibsaday guri, carruur iyo nolol farxad lehna waan helay.
Maalin ayaa hooyo booqasho noogu timid. Sanado badan ima aysan arkin mana aysan arkin ilmaha ay Ayeeyada u tahay, markii ay Albaabka soo istaagtay carruurteyda ayaa ku qoslay waana ku qeyliyeen kuna dhaheen maxaad naga soo doontay adigoon lagu casuumin.
Anigana waan ku qeyliyey hooyo waxaana ku iri” Sidee ugu dhiiratay inaad gurigeyga imaato oo aad carruurta iiga nixineysaa” ka bax guriga hadda.
Hooyadey si deggan ayey u tiri” Alla waan ka xumahay. Waxaa laga yaabaa inaan guri qaldan imid” waana baxday.
Maalin ayaa warqad iiga timdi Iskuul aan dhigan jiray oo xaflad ka dhacaysay waxaana xaaskeyga u sheegay inaan safar aadayo oo waan ka qariyey Iskuulka aan u socdo, markii xafladdii Iskuulka soo dhammaatay ayaan booqasho u aaday xaafaddii aan deggenaan jirnay yaraantii, deriska ayaana igu yiri hooyadaa waa dhimatay, marnaba uma aan ilmeyn, qof ka mid ah deriska ayaa ii dhiibay waraaq uu leeyahay hooyadaa ayaa iigu kaa dhiibtay.
Waxayna u qorneyd sidan-
“Wiilkeyga qaaliga ahow, adigaan kaa fikiraa waqtigeyga oo dhan. Waan ka xumahay inaan gurigaaga imid carruurtaadana ka nixiyey. Aad ayaan ugu farxay markii aan maqlay inaad imaaneysid xafladda Iskuulka laakiin anigu ma awoodin inaan xataa sariirta kasoo dul kaco si aan kuu arko. Waan ka xumahay inaan Nolosha kugu cariiriyo oo aan noqdo qof aad dhibsato. Laakiin wiilkeygow ma ogtahay in adigoo yar aad shil gashay oo aad IL beeshay ama kaa dhacday. Hooyo ahaan aad ayey ii xanuujisay inaan arko wiilkeyga oo hal IL leh markaas ayaan kuu bixiyey mid ka mid ah INDHAHEYGA waxaana qalbigu ii qaboobay oo aan farxad dareemay markaan arkay adigoo Isheydii wax ku arkaya, Hooyo aad baan kuu jeclahay”
Ogow Inaad Leedahay Hal Hooyo Oo Aysan Jirin Cid Booskeeda Kuu Buuxin Karta.
Waraaqdii Hooyo.
Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com