Sunday, July 22, 2018

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA


BAAQULIGII DHOOBADA AHAA.


Nin oday ah oo Sideetan (80) gu’ iyo xaab-xaab jidha, ayaa jeer wuxuu la noolaa inankiisa iyo tira caruur ah oo uu awoowe u yahay. Odaygu waa duunyo joog intiisa ku waaya arag ah waa sheeb aragu yaraaday maqalkuna la ciifay, gacmihiisuna ay gareeraan kolka uu maago in uu wax ku qabsado, sidaa la ajligeed gabadha uu sodoga u yahay waxay inanka uu dhalay ku qal-qaalisay in odayga gees looga saaro oo gooni cuntada loo siiyo, waayo waxuu ahaa mid cuntada ku daadiya miiska marka la wada cunteenayo gariirka gacmihiisa awgood. Kolkuu ku raacay bay haddana ka dhaa-dhicisay in baaquli dhoobo ah loo sameeyo si uusan alaab dambe u ja-jabin, haye iyo hawraarsan buu isu raacshay. Odaygu waa indheer garad wax walbana dareemaya balse taagtiisaa halkaa dhigtay oo wax uu sameyn karayo ma leh habaar mooyee!.

Habeen uu odaygu gooni u casheynayay reerka intiisa kalese wadajir u wada casheynayeen baa waxaa la waayey inan uu awooowe u ahaa wixii la daydayaba waxaa la arkay isaga oo dhooqo faraha kula jira, aabbihii baa qun-yar yara su’aalay “Inankeygoow, maxaad samaynaysaa?” isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yiri, “Aabbe, waxaan idiin samaynayaa baaquli aan cuntada idinku siiyo kolkaad gabowdaan!”.


Waxaa Qoray: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com

Sunday, July 15, 2018

KUFSI, CUDUR-DAAR MA LEH


KUFSI, CUDUR-DAAR MA LEH


Waxay ka dhalatay qoys sabool ah aabbaheedna gu’ ka dib dhalashadeeda ayuu Taayfood u dhintay, hooyadeed waxa ay ka ganacsataa dhuxusha iyo cajiinka, waxaana ka yar 8 caruur ah da’deedu waa 12 jir waqtigu haraatiyey. Waa qaan-gaar wax ay dheefsato weyday. Muuqaalkeeda sarre 6 jir baad moodaa!.

Waa inan.... alle qurux u dhameeyey balse hilib iyo haragtoona ma leh. Dhafoorkaa godan, beerkaa cagaaran, oo macluul darted bay jilbuhu la dheer yihiin!.

Waa inan... dhibka iyo waxyeelladuba way u nugushahay balse cidna ma tuugsato, sina gacanta uma hoorsato meelahay mi dhaaftaa marna hooyadeed bay cajiinka makiinada uga soo qaadaa.
Waxaase la yaab iyo anfariir noqotay markii uu mid doobabka xaafada ka mid ah haweystay in badana jaanis ku gaadayey. Galab casir liiq ah baa iyadoo makiinada cajiinka ka soo rawaxday ayuu luuq isugu laabay korna ka bidhaasaday markay dabinkii ugu dhacday buu lugaha isugu dhuftay, maradana dhinaca kale uga rogay kufsina u raacshay. Halkii bay ka luuday oo hooygii ay xaafada ka daganaayeen afka saartay, waxay kuftaa dhacdaba waxay timi aqalkoodii, wixii ku dhacay bay hooyadeed u sheegtay la yaab iyo af kala qaad bay ku noqotay oo rafaadkii saboolnimada waxaa u sii dheeraaday xanuunka kufsiga.

Waxaa intaa ka darnaaday kolkii inanta hooyadeed orad is-xaabisay guriga inanka gabadheeda kufsaday dalaq tidhi deedna markii ay aragtay inanka aabbihiisa halkiiba ku suuxday. Islaamihii deriska ayaa gaari-gacan soo saaray gurigeediina haleel u keenay. Marka ay soo naaxday ayaa inanteedii uga warantay labada dhib ee isu biidhsaday ugana sheekeysay waxa inanka aabbihii iyo iyada dhex maray waxay tidhi, “Inantaydaay waxaan ahaa hadda ka hor booyaaso u dhaxda reeraha ay u shaqayso, inta badana aan reeraheeda booqan, waayo aa!, reerkayagu waxa uu ahaa reer miyi oo taagteydu ma gaareyn iyana magac magaallo uun bay maqleenoo maba yaqaanaan halka aan joogo waxaanse la noolaa eedadeyda oo cuqdad iyo xaasidnimo laabta la huraysa, waba yaanan warka kugu dheereyn inanteydiyeey!.. ka hor aabbahaa guurkiisa waxaa dhacday in habeen habeenada ka mid h uu ii soo guureeyo inan ay dhaleen reerka aan u shaqaynayay isla markaana kufsi igula kaco isaga iyo afar kale oo saaxiibadii ahaa. Markaan uuraystayna ay iigu goodin jireen in ay dhibaato ii geysan doonnaan haddii aan afka kala qaado, kolkii ay dhammaatay mudadii aan uurka sidayna yidhaahdeen ina dhaaf oo halkaan noo dhig cunugayaga!”.

Waxaan is-baranay aabbahaa, waxaana ugu war sheekooday in aan ahay garoob cunugaygiina iga dilmay, waxaa sidaa isu seegnay cunugaygii, inantaydaay!!... waxaan ka baqayaa in uu noqdo inanka ku kufsaday inankaygii ama walaalkaa!.

Muddo yar ka dib waxaa la waayey inantii yareyd oo waa ay is dal-dashay!!.

Waxaa Qoray: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA. Nin oday ah oo Sideetan (80) gu’ iyo xaab-xaab jidha, ayaa jeer wuxuu la noolaa inankiisa iyo tira caruur ah ...