BAAQULIGII DHOOBADA AHAA.
Nin oday ah oo Sideetan (80) gu’ iyo xaab-xaab jidha, ayaa jeer wuxuu la noolaa inankiisa iyo tira caruur ah oo uu awoowe u yahay. Odaygu waa duunyo joog intiisa ku waaya arag ah waa sheeb aragu yaraaday maqalkuna la ciifay, gacmihiisuna ay gareeraan kolka uu maago in uu wax ku qabsado, sidaa la ajligeed gabadha uu sodoga u yahay waxay inanka uu dhalay ku qal-qaalisay in odayga gees looga saaro oo gooni cuntada loo siiyo, waayo waxuu ahaa mid cuntada ku daadiya miiska marka la wada cunteenayo gariirka gacmihiisa awgood. Kolkuu ku raacay bay haddana ka dhaa-dhicisay in baaquli dhoobo ah loo sameeyo si uusan alaab dambe u ja-jabin, haye iyo hawraarsan buu isu raacshay. Odaygu waa indheer garad wax walbana dareemaya balse taagtiisaa halkaa dhigtay oo wax uu sameyn karayo ma leh habaar mooyee!.
Habeen uu odaygu gooni u casheynayay reerka intiisa kalese wadajir u wada casheynayeen baa waxaa la waayey inan uu awooowe u ahaa wixii la daydayaba waxaa la arkay isaga oo dhooqo faraha kula jira, aabbihii baa qun-yar yara su’aalay “Inankeygoow, maxaad samaynaysaa?” isaga oo dhoola cadaynaya ayuu yiri, “Aabbe, waxaan idiin samaynayaa baaquli aan cuntada idinku siiyo kolkaad gabowdaan!”.
Waxaa Qoray: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com