Sunday, May 20, 2018

FAALKA

F A A LKA


Faalka iyo Maryannadu waa tabo loola jeedo in lagu ogaado waxyaalo aan la hubin. Faalku waa tiro lagu tiriyo tusbaxa iyo quruuruxa. Waxa kaloo jira xarriiqyo dhulka lagu xarriiqo. Maryannadu waa kuusha haweenka oo la weedhaamiyo.
Waxaa la arkaa in qof cudur faalkiisa la waayey ku dhaco. Waxaa markaa loo doonaa qof u faaliya ama habar u maryanaysa. Inta badan faalka iyo maryannaduba waxay sheegaan wax qof buka u roon. Waxay sidaas ku noqotay faalka iyo maryannadu qofka yaqaan waa ku xoogsadaa. Kolkaa haddii uu sheego waxa qofka buka ka nixiya, wuxuu ka baqayaa in aan waxba la siin.
Badanaa kuwa faaliya dadka wax u keensada been bay ku maquurshaan kuna maaweeliyaan. Waxaa suurtowda qofku in uu la buko cudur fudud oo qalis u baahan, sida Kolanta caloosha ku taal. Kolantu waxay ku siman tahay in qofka buka la jeexooo laga gooyo oo uu durba bogsado. Waxaa suurtowda jn faalkiisu yiraahdo, qofka waxa u daawo ah orgi cad afarta qoob ka madoo yihiin, inta fiidka loo qalo dhiigga iyo uuska ha la mariyo qofka. Waxaa la arkaa in orgigii la helo oo dhiigga iyo uuska la mariyo, isla kolkaas, waxaa suurtowda in qofka kolantii ku dillaacdo naftuba ka baxdo.
Haddii faaliyihii la weydiiyo waxa dhiigga iyo uuskii u daaweyn waayeen, waxaa suurtowda in uu yidhaahdo qofkii gawracay origaga ayaan ahaa qof xun.
Bal haddaba, haddaynu u fiirsano arrintaas, maxaa iskaga jira bugtada Kolanta iyo orgiga cad ee afarta qoob ka madow iyo xumaanta ama samaanta qofka qalay. Qiilkaa aan meel-marka ahayn ayaa kuu caddeynaya in faalka iyo maryannadu midna aanay habboonayn in qofka wax garadka ahi uu isku halleeyo.
Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

GABAR EEBBE GARAAD SAREERYA SIIYEY

"TUKO HADDAAD KU KARI WEYDAY TUKA KALAA LOO ISTICMAALAA".

Nin ayaa xaaskiisa wuxuu u ka xeeyey Xarun Qur’an akhris ah, ka dib markuu is yiri Jinn ayaa haya. Haddaba Gabadhii markii Quraanka lagu bilaabay ayaa Jinkii gabadha saarnaa hadlay oo yiri, "Sheekhoow aniga waan ka baxaa Gabadhaan, laakin hal Shuruud ayaan uga baxayaa.
Sheekhii ayaa yiri, "Bal shaaca ka qaad waa laguu fulin haddii ay shiddo lahayn".
Jinnkii ayaa yiri, "Gabadha waan ka baxayaa balse ninka ayaan galayaa".
Ninkii oo meesha fadhiyey hadalka Jinkana si wacan u maqlayay ayaa aad argagaxay. Sheekhii ayaa arrinkaa Jinka ka diiday, balse Jinkii ayaa Sheekhii ku yiri, "Sheekhoow ma garaneysaa sababta aan u doonaayo in aan galo ninkaan?", Sheekhii ayaa yiri, "Mayee, bal ii sheeg sababta?". Jinkii ayaa yiri, "Sheekhoow ninkaan Salaadda ma Tukado". Ninkii ayaa soo booday oo yiri, "Waa beentii Sheekhoow!".
Sheekhii ayaa ku yiri Jinkii, "Gabadha ka bax, gurigoodana ha ka fogaan, hadduu Tukan waayo ninka gal oo ka dhex qeyli, waad u fasax tahayee".
Jinkii baa yiri, "Hawraarsan arrinkaas ayaa inoo balan ah. gabadhiina way caafimaaday.
Muddo ka dib, gabadhii waxey u wacday Sheekhii, iyada oo u Mahadcelinaysa, Sheekhii ayaa yiri, "Bal ka waran ninkaagii?, gabadhii ayaa ugu jawaabtay, "Sheekhoow Masaajidkaba isagaa fura, oo Aadaankana u qaabilsan".
Sheekhii ayaa yiri, "Eebbe ayaa hanuunka leh". inta ay gabadhii qososhay ayey Sheekhii ku tiri, "Sheekhoow waa runtaa oo alle ayaa hanuunka leh, laakiinse meelba leygama heyn, Jinnina iguma jirin, keliya waxaan rabay in uu ninkeygu Salaada tukado, war tuko ayaan ku kari waayey".
-Fadlan sii (Share-garee) oo la wadaag dhamaan asxaabtaada. Mahadsanid!.
Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

Friday, May 18, 2018

FURIINKII ABID IIGU LAYAABKA BADNAA.

FURIINKII ABID IIGU LAYAABKA BADNAA.

Hadda ka hor nin ayaa haweenay soo guursaday, markii uu waagii cadaaday ayuu seddexdeedii uma kala reebinee isu raacshay, markaasaa raggii xigaalka u ahaa intay u yimaadeen bay ku canaanteen sababta uu u furay haweenay habeen kaliya u dhaxday kolkaasau weydiin haddiiba u raacsheen. Markaasuu ma degdegine dhaqsaba u haleelay wercelintii markaasuu yiri "Naagta waxaan ku furay shan arimood oo ay tahay in lagu furo".

1-Waa xoolo mubadaroo.
2-Waa ayaan daran tahayoo.
3-Waa dhaqaalo xun tahayoo.
4-Waa camal xun tahayoo.
5-Waa qumayo.

Raggii ayaa hadalka ninka la amakaagay, kolkaasuu midkood kula soo booday war hebeloow gabadhuba habeen kaliyey kula joogtaye sidee baad ku ogaatay waxa aad ku sheegeyso?. Markuu haddiiba ku yiri shantaa way asteysan tahayee bal qumaati ii dhageysta, markaasuu yiri;-

1-Waa xoolo mubadaroo, kabihii oo aan aqalka iridkiisa uga soo kacay may soo qaadinee ka soo tallaabsatay oo gudaha iska soo gashay.
2-Marka labaad waa ayaan daran tahayoo intaan waagii baryin baa la xaday.
3-Marka seddexaad waa dhaqaala xun tahayoo digsi bay inta dabka saartay wixii xaaba ay haysatay ma kala reebinee hal mar ku amuugtay.
4-Waa camal xun tahayoo dabkii oo dabeyli ku dhaceyso, bey afuuftay hadana afuuftay hoosna u gunuunucday cabaar yarna isagaaba iska ololi lahaaye u koran weyday.
5-Marka shannaad waa qumayoo dabkii bey habaartay waxeyna ku tiri idam alle daad ku seexi wax yar ka dibna roob aan la garanayn meel uu ka soo curtay ayaa seexshay kiiyoo aan waxba lagu bisleysan.

Bal waligaa furiin nooca ma ku soo maray?


Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).



BAAQULIGII DHOOBADA AHAA

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA. Nin oday ah oo Sideetan (80) gu’ iyo xaab-xaab jidha, ayaa jeer wuxuu la noolaa inankiisa iyo tira caruur ah ...