Wednesday, April 11, 2018

SHEEKO XIKMAD BADAN

LA JECLOOW QOF WALBA WAXA AAD ADIGA JECESHAHAY.

Shaqada ayuu ka yimid xaaskiisa ayuuna ku yiri, "Gacaliso hooyo ayaa xanuunsan waynu aadeena ee maxaynu u qaadnaa?" markaasey ku tiri, "Gacaliye seddexle saliid macsaro ah iyo kiilo hilib ah" markaasuu ku yiri, "Intaa uun baa?" say tiri, "haa maxaynu lacagta isaga qasaarineynaa". 

Markay safarkoodii guda galeen ayuu mar kale ku yiri, "Gacaliso hada ma intaaso kaliya ayaan u qaadnaa?" markaasay tiri, "Haa gacaliye intaas ayaa ku filan".

Xoogaa markii ay socdeen ayuu baabuurka u weeciyay wadadii ay daganeyd gabadha hooyadeed markasay weydiisay qofka aan u socono ma hooyadee baa mise hooyadaa? markasuu ugu jawaabay waa hooyadaa.


Calaacal ayeey bilowday iyadoo leh Gacaliye intaan naguma filna ee ina celi alaabo kale aan soo gadneee suu ku yiri, "Maya laabasha ma jirto marar badan ayaan kugu cel-celiyay ma intaano kaliya ayaynu qaadnaa? adigana haa ayaad iigu jawaabaysay.


Talo: Fadlan walaal la jecloow qof walba waxa aad la jeceshahay naftaada.

W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi.

Monday, April 9, 2018

30 CISHO KU XIFDI QUR'AANKA

30- CISHO KU XIFDI QUR'AANKA KARIIMKA.


Su`aashaan wercelinteeda waxaa suura gal ah in marka hore kugu adkaato balse waa lagu xifdin karaa muddo sodon cesho ah Qur`aanka Kariimka waa arin horay u dhacday, si aad u gaarto go`aanka ah in muddo 30-cesho ah ku xifdiso Qur`aanka kariimka waxa ay kaaga baahan tahay qodobadaan.
1-Waa in aad gaartaa go`aan kama dambeeys ah oo ku aadan in aad 30-kaasi cesho ku xifdiso Qu`raanka kariimka.
2-Waa in aad leedahay Himo sareereysa(Hami)
3-In aad la saaxibtaa dad ku dhiiri gilinaya oo aan niyad jab kuugu beereyn ama hoos ku dhigeeyn .
4-In aad sabar leedahay oo aad u adkeeysataa hadiiba ay dhacdo in culeys kugu noqoto .
Waxaa Suura gal in Aqristayaasha u suura gashay in ay aqristaan maqaalkaan ay arin la yaab ah ku noqto in 30-cesho Quraanka oo dhan lagu xifdiyo haddii aad ogaato sababta arintaasi lagu sameyn karo waa ay kuu fududaaneysaa waadna ku qanceysa .
Tusaale Diyaaradaahaani hawada gala ee aynu raacno marka aad eegto sida loo wado iyo sida ay hawada u gasho waad la yaabi laakinse marka aad wax ka barato culuunta la xariira habka loo dooliyo waa ay kuula fududaaneeysaa.
Waxa ugu fudud ee bani`aadanka lagu qanci karo waa xisaab hadaba aynu isla eegno jadwalkaan xisaabeed oo aynu ku xalin doono in 30-cesho lagu xifdin karo Qur`aanka Kariimka .
Haddii aan qaadano daabacada musxafka oo uu Qoray Cismaan Dhaahaa oo gacantiisa ku qoray musxafkaani inta badan aynu isticmaalno .
Qu`raanka waxa kuu gooban yahay 30-Jus , juskiina waxa uu ka gooban yahay 20-bog ama safxo haddii laga reebo Juska ugu horeeya oo labada bog ee ugu horeeya ee Faatixada iyo Shanta aayadood ee ugu horeeya Albaqra oo la qurxiyay waa 21-bog ama safxo iyo Juska ugu dambeeya ee Jus Cama oo isna qurxin ama sharaxaad oo ka kooban 23-bog .
Tusaale: Imisa daqiiqo ayaad ku aqrin kartaa halkii jus ee Qu`raan , hadaba qofka ugu daaha badan waxa uu ku aqrin karaa ugu badnaan 30-daqiiqo hadaba 30-daqiiqo/20-bog ama safxo waxaad hadaba ku aqrisay halkii bog 1.5(daqiiqad iyo bar .
Imisa jeer ayaad hadaba ku xifdin kartaa boggaasi markii aad ku celceliso kaba soo qaad 5-jeer ayaad ku celcelisay 3-jeerna kor ayaad ka aqrisay hadaba waxaad ku xafiday 12-daqiiqo waxa ayna xisaabta ku soo baxday 8 daqiiqo x 1.5 (hal daqiiq iyo bar)=12
Hadaba waxaa loo baahan yahay in 5 jeer aad u fariisataa xifdinta quraanka oo aad shanta salaadood ka dib siisaa Hal Saac , waxa ayna saacad ahaan noqoneysaa 5-saac .
Shanta Saacadood waxa cay noqoneysaa 300-oo daqiiqo hadaba 300 oo daqiiqo u qeybi 12 daqiiqo oo aad bog ku xifdisid 300/12=25(waxaad maalintii xifdisay 25-bog oo ka kooban Jus iyo shan bog .
Qur`aanka Kariimka waxa ku gooban yahay 604-bog ama safxo hadaba 25 lagu dhuftay 25=waxa ay noqoneysa 604-beej ugu yaraan , hadaba sidaa hadaad ku wadid waxaad qu`raanka ku xifdineysa 25- cesho hadduu alla idmo .
Tusaale: Bukhaari waxa uu xifdisanaa kumanaan milyan oo Xadiis ah Muslimna sidoo kale hadaba maskxooda miyaa ka duwaneyd maskaxdeena Maya Maya kaba soo tag kuwaas Qarniga haatan lagu jiro waxa jirtay Haweeney Xaas aheyd oo afar caruur haysatay waxa ay sheegtay in xifdinta labadaan Suuradood ee Albaqra, Alcimra ku qaadatay muddo 7-sano ah .
Waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay 15-ka bisha Soonka Odeygeena ictikaafna u aaday kacbada ayay sheegtay in yara caajistay ka dibna ay gashay net-ka deedna ay ku aragtay bogga lagu magacaabo Xufaadul waxyeen ayna ku aragtay haween la sheegayo in labadaasi suuradood ku xifdiyeen 3-maalin halka iyada ku qaadatay 7-sano .
Boggii ayay iska diiwaan gilisay jadwalkaani aynu soo sheegnay ayaa loo sameeyay waxa ayna sheegtay in maalintii ugu horeeysaba ay xifdisay 3-Jus 6-cesa markii ay mareeysanna 16-jus sidiina ayay quraanka ku dhameeysay .
Hadaba maskaxda haweeneydaana kama weyna middeyna balse waxaa loo baahan yahay dadaal alla waxa uu yiri(Wafii Anfusikum Afalaa Tubsiruun , Suuratul Aldaariyaat waxaa kale uu alla yiri(Wacallama Aadamal Asmaa kullaah )Albaqra .
Maskaxda uu alla na siiyay waxa ay ka kooban tahay 23Dc(Di Si Mitir) waxaa xeel dheerayaasha maskaxda yiraahdeen in 23-dc ee maskaxda oo ah wax aad u yar ay qaban karto 26-milyan oo buug waxa ku qoran hadaba ma moodeysa in awood intaa la eg ah aad leedahay .
Qabiir ka tirsan jaamacada California waxa uu sheegay haddii qofka bani`aadamka Sikinkiiba loo sheego 10-sheey laguna wado muddo 60-sano ah ma buuxineyso maskaxdiisa marka loo qeybiyo wan milyan hal meel ma aysan buuxsamin hadaba waxa kumbiyuutar dunida yaal sidaa wax uma qaban karaan .
Hadaba waa in aynu ka faa`ideysanaa fursadaasi iyadoo haatan tahay bishaanba aynu bilaabayno , waxaan alla ka rajeeynayaa in aan ku xifdino mudadaasi qur`aanka kariimka oo dhan.

Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

Sunday, April 8, 2018

QISO NIN MUSLIM AH IYO MID MASIIXI AH

QISADII NINKII MUSLIMKAA AHAA IYO KII MASIIXIGA AHAA.


Nin gaal ahaa ayaa waxuu maalin ugu yimid ninkaloo Muslim ahaa gurigiisa waxuuna u keenay Canab ninkii Muslimka ahaana waa cunnay Cinabkii.
Hadana markale ayuu u keenay Qamri! Kii Muslimka ahana waxuu ku yiri ninkii Gaalka ahaa waxan aad ii keentay ee Qamriga ah anaga Xaaraan ayuu inaga yahay hadan Muslimiin nahay! Sidas darted makaa qaadan karo ee iga raali noqo la laabo hadiyadaada.
Ninkii Gaalka ahaa ayaa ku jawaabay waxa tahiin dad cajiib ah! Ama lala yaabo, sababtoo ah Canabkana waa xalaal ayad dhaheysan Qamradana waa xaaraan ayadoo aan ognahay in Qamrigaba laga sameeyo Cinabka! Side arinkaas isu qaadaneysaa?!?
Ninkii Muslimkaa ahaa ayaa intaas kadib waxuu ku yiri kii masiixiga ahaa, Xaas ma leedahay?!
Haa ayuu ku jawabay kii gaalka ahaa, hadana markale ayaa ninki muslimka aha ku yiri kii gaalka ahaa, ma jirtaa Gabar aad adigu dhashay? Haa ayuu markale ku jawabay aw gaaloow.
Ninkii muslimka ahaa ayaa ku dhahay labadoodaba soo wad oo kuligiin ii imaada, markey u yimaadeen ayuu ku dhahay ninkii muslimka ahaa kii kaloo gaalka ahaa.
Sow uma jeedid in Allah SWT uu kuu xalaaleyay qoftaan uu ula jeeday Xaaska kaana xaaraantimeyay qoftan kale uu ula jeeday Gabadha uu dhalay ayadoo aan ognahay in gabadhaba asalkeeda uu ka imaaday hooyadeed!
Ninkii gaalka ahaa intaas markuu arkay ayuu Tawxiidka ku dhawaaqay ‘’ ASH-HADU AN LA ILLAHA ILLALLAHU WA ASH-HADU ANNA MUXAMADAN RASUULALLAHI SCW’’
Hadaba Diinta waxey u Baahantahay Caqli sareeya iyo Xikmad si Dadka kale loogu soo Dumo Diinteena Nabadgalyada leh.
ugu Danbeyn Walal adna Gaarsii Walaalaha Muslimka ah laga yaabee Halqof oo kamid ah inaad ku Guuleysato inuu Camal Wanagsan kusameyo Gaarsiintaada adna uu Allah swt kuugu Abaal gudo Jannatul Firdows.
-FADLAN BOOQO PAGE-KEYGA FACEBOOK-GA EE BILAAL QAASIM FIQI.
W/Q; Bilaal Qaasim Fiqi

SHEEKO XIKMAD BADAN OO KU SAABSAN XIJAABKA

XIKMAD XIJAABKA KU SAABSAN!



Gabar baa waxay soo iibsatay teleefan qaali ah, aabbaheed baa ku arkay taleefankii markaa buu ku yiri,
"Aabbo markaad taleefanka soo iibsatay wixii ugu horreeyay ee aad samaysay maxay ahaayeen?"
Gabadhii baa ku tiri, "Waxaan soo galiyay qolof (cover) sarre oo taleefanka difaac u noqonaya, kana ilaalinaya in uu jabo.
Aabbihii, "Cid kugu qasabtay miyaa jirta in aad sidaa samayso?
Gabadhii, "Maya, layguma qasbin, laakiin aniga ayay i anfacaysaa in aan sidaa sameeyo si taleefankaygu u nabad galo.
Aabbihii, "Ma kula tahay in aad ceebaysay shirkaddii taleefanka soo saartay?
Gabadhii, "Maya aabbo, shirkaddu ayadaaba nagula talinaysa in aan taleefanka qolof sarre galino, si uusan taleefanka nooga jabin.
Aabbihii, "Waa tahay, qolofku, miyuu qiima tirayaa taleefanka?
Gabadhii, "Maya aabbo, difaac ayuuba u yahay taleefanka, in uu jabo ama garaafo soo gaarto buu ka ilaalinayaa, ileen haduu garaafoobo waa qiima beelayaaye!
Aabbihii, "Miyuu foolxumo u kordhiyay qolofkaasi taleefanka?
Gabadhii, "Aragtidayda maya qurux mooyee fool xumo uma soo kordhinaayo.
Intuu si dhimrin leh u soo eegay buu ku yiri, "Aabbo macaane xijaabkuna waa sidaa oo kale ee ku dhagnoow had iyo gooraalaba!!!

Qorraa: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

BOQOR NAJAASHI

                                         TAARIIKHDA BOQOR NAJAASHI (RC).


Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray, ciddii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeedhi jiray, cidii boqor ka noqota dalka Masar. Wuxuu Boqor Najaashi noolaa xilligii nabigeena Muxamed (SCW), waxaana magaciisa la dhihi jiray, Asxama ibnu Al-abjar. Najaashi aabbihii ayaa ahaa boqor ka taliya dhulka Xabashida, kadibna wasiiradii iyo la taliyayaashii boqorka ayaa dhagar maleegay, oo waxay isku dhaheen; “Boqorku wuxuu leeyahay hal wiil oo kaliya, wiilkaasina waa madi, markaa waa inaan dilnaa boqorka  oo aanu isaga badalkiisa boqor ka dhiganaa, walaalkii oo lahaa laba iyo toban wiil”. Dabcan la taliyayaashii boqorka, sidii ayey kaga dhabeeyeen waxayna dileen boqorkii, badalkiisiina waxa yimid walaalkii.

Najaashi xilligaas waxa soo dhoweeyey adeerkii oo xukunka wax badan gacanta u galiyey, kadibna ragii aabihii dilay ayaa cadhooday oo iskuna dhahay haduu boqorku dhinto wuxuu xilka u magacaabayaa wiilkan markaana wuu inaga aar goosanayaa oo wuxuu inoo dilayaa dhiigii aabbihii. Dabadeedna la taliyayaashii ayaa u tagay boqorki kuna dhahay; “Boqorow waa inaad dishaa wiilkan”! Wuxuu yidhi: “Ma intaad aabbihii disheen shalay, ayaad maantana isaga dilaysaan”? Waxay dhaheen: “Haddaad diiday inaad dishid waddanka ka mastaafuri”. Nimankii dilay najaashi aabbihii, ayaa wiilkiina qabtay oo ka iibiyey nin ganacsade ahaa, waxayna siisteen 400 oo dirham, ninkii baana najaashi kaxaystay oo ka yeeshay adoon.

Haddaba ninkii boqorka ka ahaa dhulka xabashida, ayaa mar uu roob da’ayay aqalka dibadda uga baxay, si uu isugu dhigo dhibcaha roobka, kadibna danab (Jac, Ubax) ka yimid xaga cirka ayaa asiibay, sidaas buuna ku dhintay.

Markuu boqorkii dhintay ayaa wasiiradii iyo la taliyayaashii boqorku dooneen inay madax ka dhigaan mid kamid ah laba iyo tobankii wiil ee uu dhalay boqorku, mise laba iyo tobankuba waa doqomo aan hanan karayn xukunka dhulka xabashida.

Dabadeedna ragii taladu ka go’aysay ayaa shiray, waxayna go’aansadeen inay dib u soo celiyaan ninkii najaashi ahaa ee ay adoon ahaan u iibiyeen, wayna soo celiyeen oo waxay ku fadhiisiyeen kursigii boqorka ayagoo madaxana taajkii boqorka u saaray. Ninkii iibsaday najaashi ayaa u yimid boqorkii oo ku dhahay: Boqoroow, waxa niman wasiiradaadu iga iibiyeen wiil adoon ahaa, ayagoo iga qaatay lacag, kadibna wiilkii ayey igala noqdeen, ee lacagtaydii ha i siiyaan ama wiilkii aan iibsaday. Boqorkii Najaashi wuxuu dhahay: “Ninkan haloo celiyo lacagtiisii ama wiilkiisi, maxaa yeelay markuu Ilaahay aniga mulkigaygii ii soo celinayey igamuu qaadanin wax laaluush ah”! La taliyaashii boqorka ayaa bixiyey lacagtii laga qaaday ninkii ganacsadaha ahaa.

Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu horeeyey ee ina tusaya cadaaladiisii iyo inaan dadka agtiisa lagu dulmi jirin, dabcana arrintaas waxa uga markhaati kacay Rasuulka (SCW) oo dhahay: “Boqorka Xabashida agtiisa laydinkuma dulminayo”.

Waxaa Dib u Saxay: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).
-Xigasho.
Email: bilaalqaasimfiqi@gmail.com

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA

BAAQULIGII DHOOBADA AHAA. Nin oday ah oo Sideetan (80) gu’ iyo xaab-xaab jidha, ayaa jeer wuxuu la noolaa inankiisa iyo tira caruur ah ...